Faahfaahin Askari dilay Bajaajle oo isagana la dilay

Waxaa faahfaahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan Askari goor dambe oo maanta ah Degmada Kaaraan ee Mgaalada Muqdisho ku dilay Bajaajle.

Sida ay Risaala wararka ku heleyso askariga ayaa dilay Bajaajle muran soo kala dhex galay, kadibna galay guri ku yaalla Xaafada Faanoolle ee Degmadaasi Kaaraan, waxaana guriga uu galay askariga isku gadaamay Ciidamada amaanka degmadaasi.

Ciidamada isku gadaamay guriga uu galay askariga dilka geystay ayaa isku dayay una suurta gashay in dadkii ku noolaa gurigaasi oo caruur iyo haween u badnaa ay ka saaraan guriga.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka oo Risaala la hadlay, waxaa ugu dambeyn geeriyooday askariga dilka geysatay oo meydkiisa oo xabadi kaga taallay Madaxa laga saaray guriga uu ku dhuumaalaysanaayey.

” Askariga dilay bajaajlaha meydkiisa oo xabad madaxa kaga taalo ayaa laga soo bixiyay guriga uu galay, waxaana goor dambe guriga ku laabtay reerkii deganaa” ayuu inoo sheegay Xuseen Salaad Cabdulle oo goob joogayaasha kamid ahaa.

Waxaa Muqdisho kusoo laablaabtay dilka ciidamada dowladda u geystaan dhalinyarada bajaajleyda.