Inta la xaqiijiyay 6 qof oo isgu qoys ah ayaa ku dhimatay ka dib markii ciidanka AMISOM ay hoobiye ku tuureen Tuulada Faranga oo u dhow deegaanka Jannaale ee degmada Shalaanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Hoobiyaha ayaa la sheegay in uu ku dhacay dadka isugu qoys ah oo ka koobnaa 8 Ruux , waxaana la sheegay in 6 ka mid ah ay dhinteen halka 2 kalena uu soo gaaray Dhaawac.
Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ay la xariirtay idaacadda Risaala ayaa xaqiijiyay dhacda ciidanka AMISOM ay ku xasuuqeen dadka Shacabka ah.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay dhowr jeer Madaafiic Ciidanka AMISOM uga soo tuureen goobta uu ku dhacay Hoobiyaha ay tuureen ciidanka AMISOM.
Gudoomiyaha degmada Shalaanbood oo la hadlay warbaahinta Qaar ayaa sheegay in maamulka degmada ay wadaan baaritaan ku aadan dhacda xanuunka badan ee lagu laayay dadka isgu qoyska ah.
Dadka dhintay ayaa la sheegaya in ay ku jiraan caruur iyo haween.
Saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM oo ay Risaala la xariirtay ayaa ka gaabsaday in ay hada faahfaahin ka bixiyaan dadka lagu dilay Shabeelaha Hoose.


