Wararka naga soo gaaraya degmada Shalaanbood ee gobolka Shabeelaha ayaa sheegaya in ciidanka AMISOM Madfac ay tuureen uu ku dhacay dad shacab ah oo kunoolaa Tuulo Hoos timaada degmada Shalanbood.
Madfaca ayaa la sheegaya in uu ku dhacay Qoys ka koobnaa ku dhawaad 8 qof , waxaana dhintay 6 ka mid ah halka 2 kalena uu soo gaaray dhaawac.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Risaala u sheegay in Madfaca ay soo tuureen Ciidanka AMISOM oo goobta meel dhowr Km u jirta ku sugnaa.
Faahfaahin Kala Soco Risaala.net


