Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Madaafiic xalay Al-Shabaab ay ku garaaceen saldhiga ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka.
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay xalay dhowr Madfac ku dhuftay Xaafada howlwadaag oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidanka dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidanka dowladda Jabuuti ayaa la sheegay in ay Jawaab ka bixiyeen Madaafiic lagu garaacay Saldhigooda , islamarkaana ay dhowr hoobiye ku rideen goobtii Madaafiicda laga soo tuuray.
Dadka kunool Xaafada Howlwadaag ayaa Risaala u sheegay in ay kusoo kacen daryanka Madaafiicda lagu garaacay Saldhiga ciidanka dowladda Jabuuti.
Saraakiisha ciidanka Jabuuti wali faahfaahin kama bixin khasaaraha ka dhashay Madaafiicda lagu garaaacay saldhigooda.
Al-Shabaab ayaa dhankooda ayaa sheegtay in Saldhiga ciidanka dowladda Jabuuti ay ku dhufteen ku dhawaad 10 madfac.
Habeen hore ayay aheyd markii dagaalyano ka tirsan Al-Shabaab ay Madaafiic ku garaaceen saldhiga ciidanka dowladda Itoobiya ee degmada Ceelcali ee gobolka Hiiraan.


