DHAGEYSO: Tababar habka tebinta doorashooyinka oo wariyeyaal Muqdisho looga furay” Sawirro”

Saxafiyiin ka kala yimid Xarumaha Warbaahineed ee Gobolada Dalka iyo Muqdisho ayaa Maanta Tababar ugu furmay Magaalada Muqdisho.

Tababarka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Hay’addaha IMS/FOJO, waxa uuna socon doonaa 4-Maalmood.

Tababarkaan ayaa waxaa Saxafiyiinta ka qeyb galaya lagu bari doonaa habka Wanaagsan ee tabinta doorashada, wariyaasha ayaa ka kala yimid gobalada dalka Soomaaliya .

Furitaanka Tababarka waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka socday Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya, Hay’adda Warbaahinta SOMA, Ururka Saxafiyiinta Gabdhaha Soomaaliyeed, Tababarayaal Saxaafadeed iyo Marti Sharaf kale.

Xiriiriyaha Hay’addaha IMS/FOJO Abuukar Al-badri ayaa sheegay in Tababarkan uu ka mid yahay tababaro ay ugu tala galeen in Saxafiyiinta Soomaaliya aqoontooda kor loogu qaado.

Agaasimaha Idaacada Risaala Maxamed C/wahaab C/llaahi ahna Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Warbaahinta SOMA ayaa sheegay in Hay’ada SOMA iyo Hay’addaha IMS/FOJO uu Xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Saxafiyiinta ka qeyb galeysa Tababarka iney ka faa’iideystaa Casharada la siinayo.

Sidoo kale Waxaa furitaanka Tababarka ka hadlay C/raxmaan Yuusuf Al Cadaala Agaasimaha Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Markii uu Tababarkan soo gabagaboobo ayaa Waxaa lagu Wadaa in Wariyaashii ka qeyb galay la siiyo Shahaadooyin iyo Buugaag u noqon doono Hage sida uu sheegay Xiriiriyaha Barnaamijkan.

9
6 5 4 3 2 1 rt yu ui