Faah faahin Weeraro xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxaya weerar Kooxo hubeysan ay Xalay ku qaadeen Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ee ku taalla Wadada Warshadaha ee Muqdisho.

Kooxdii Weerartay Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxa ay ku hubeysnaayeen Hubka garbaha laga tuuro, hubka fudud iyo bambooyin.

Ciidamada Militariga Soomaaliya ee ku sugan Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa waxaa la sheegay inay iska caabiyeen Kooxdii Weerarkii soo qaaday, Waxaana Ciidamadii ilaalada ka ahaa Wasaarada ay muddo daqiiqado ah la dagaalameen kooxdii Weerarka soo qaaday.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dableydaasi daqiiqado ka dib inay dib u carartay, isla-markaana ay Ciidamada Militarigu bilaabeen inay daba galaan, balse kuma guuleysan iney gacanta ku soo dhigaan.

Sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo si kooban ula hadlay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Milatariga ay ka hortageen Weerarka Wasaarada lagu soo qaaday.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda uusan wax khasaaro ah sooo gaarin.

Dhanka kale Ciidamada amaanka ee dowladda ayaa Xalay howlgalo Saacado badan qaatay waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa waxa ay isugu jireen Ciidamada Nabad sugidda, Booliiska iyo Ciidamada sida gaarka ah u tabababaran ee NISA.

Howlgalka ayaa si gaar ah waxaa looga sameeyay Xaafadaha u dhaw inta u dhaxeysa Isgoysyada Ceel Gaabta iyo Xamar Jajab.

Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamo ka tirsan Maamulka degmada Xamar Jajab oo fariisin ku lahaa meel u dhaw Barxada Shaneemo Afrika waxaa lagu tuuray bambo gacmeed.

Howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay ku dhawaad 200 oo dhalinyaro ah qaarkood baaris iyo su’aalo dheer ka dib Ciidamada amaanka ay dib u fasaxeen Xalay Saqdii dhexe, halka kuwa kalena ay weli ku jiraan gacanta Ciidamada ammaanka oo su’aalo la weydiinayo.

Ciidamada howlgalka waday ayaa gudaha u galayay guryaha waxa ayna dadka guriga joogay ku amraayeen in ay banaanka u soo saaraan dhalinyarada guriga ku jirta ka dibna waxaa loo kaxeynaayay Barxada Shaneemo Afrika halkaas oo su’aalo lagu weydiinayay, sidoo kalena dadka lagu kala saaraayay.

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir.