Koox burcad ah ayaa magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika waxa ay ku dileen Nin Soomaali ah oo lahaa goob Ganacsi, kadib markii ay weerareen goobtiisa Ganacsi.
Sidoo kale kooxdan waxa ay dhaawaceen Ganacsade kale oo u dhashay dalka Pakistan.
Thulani Zwane oo ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay ninka Soomaaliga ah ee la dilay in da’ahaan uu jiray 20-sano, halka Pakistanka la dhaawacay uu jiro 29 sano.
Sidoo kale wuxuu sheegay Qofkan in Dukaanka ay gudaha u galeen Laba Gangistaro ah, kuwaasi oo ninka Soomaaliga ah weydiiyay lacag cadaan ah, kadibna ay si xoog ah ku qaateen lacag Dukaanka tiilay, intaasi kadib ayay Rasaas ku fureen Wiilka Soomaaliga iyo ninka kale ee u dhashay Pakistan.
Afhayeen Koonfur Afrika u hadlay oo lagu magacaabo Balram ayaa sheegay falkan in ay ka dambeeyeen laba nin oo hubeysan, wuxuuna tilmaamay in Ciidamada ammaanka Koonfur Afrika ay ku raad joogaan.
Wuxuu sidoo kale sheegay Dowladda Koonfur Afrika in ay qorsheyneyso in Ciidamo gaar ah ay u sameyso dadka Ganacsiyada ku leh Koonfur Afrika oo Soomaalida ay u badan yihiin, si loo bad baadiyo nafsadooda, maadaama ay dilal u geystaan burcad madow ah.
Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.


