Libya-RisaalaFM- Ugu yaraan 50 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen Badda Mediterraneanka ee isku xirta Afrika iyo Yurub kadib markii Doontii ay saarnaayeen uu ka go’ay shidaalkii, iyadoo maraysa xeebaha dalka Liibiya.
Doonta oo ay saarnaayeen ilaa 100 qof oo Tahriibayaal ah ayaa Jimcihii hore ka shiraacatay magaalada Sabratha ee ku taala dhinaca Galbeed ee Dalkaasi, sida ay saraakiil degaankaas ah u sheegeen BBC-da.
Doonta ayaa Badda dul sabaynaysay maalmo ka hor inta aysan dagin, Doonidaasi ayaa markii dambana ku soo caarisay agagaarka magaalada Zuwara ee Dalkaasi Liibiya saacadihii hore ee Arbacadii.
35 qof oo doontaasi ka badbaaday iyo siddeed mayd ah ayaa la helay, sida ay saraakiishu sheegeen.
Ilaa iyo haatan laba kala cadeyn karo wadamada ay ka soo jeedaan dadkaasi Tahriibayaasha ahaa ee Badda ku dhintay dhamaan, balse waxaa la aaminsan yahay in ay ka soo jeedaan wadamada Afrika ee Saharaha ka hooseeya.
Afhayeen u hadlay ciidammada Badda ee Liibiya ayaa sheegay in dhammaan dadka soo badbaaday ay ka soo jeedaan dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya.



