Faah faahin Shabaab oo weeraray degmada Balcad

Muqdisho-RisaalaFM- Ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar saf balaaran ah waxa ay ku qaadeen fariisin Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degaanka Qaansheeg oo ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan oo Shabaabka ay si gaar ah ugu qaadeen fariisin Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin halkaasi ayaa waxa uu socday mudo kooban, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen dadka degaanka.

Khasaaraha weerarkan ka dhashay ayaa ahaa mid kooban, waxaana la sheegay in labada dhinac uu soo kala gaaray khasaare kala duwan, iyada oo ay jiri karaan dad shacab ah oo wax ku noqday weerarka, maadaama xilli habeen ah ay aheyd.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan oo ay weerarkan uga hadleen waxay ku sheegeen weerarkan in ay ku dileen ilaa Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, sidoo kalena ay qaateen ilaa 4 Qori oo uu ku jiro Qori Baasuuke ah.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Shabeellaha Dhexe dhankooda oo aan la xiriirnay waxay inoo sheegeen in ay iska difaaceen raggii weerarka soo qaaday, oo aanay jirin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray.

Marka laga tago wararka isku tuur ruurka ah oo labada dhinac ka soo kala baxay, ayaa waxaanay jirin ilo rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarka iyo sida ay wax u dhaceen.

Xaalada degaanka Qaansheeg oo weerarka uu ka dhacay ayaa saakay waxa ay xaaladiisa tahay mid degan, Ciidamada Dowladda Federaalka ayaana halkaasi ka wada Howlgallo amni xaqiijin ah.

Weerarkan ayaa noqonaya weerarkii Saddexaad oo isbuucaan gudihiisa ay ururka Al-Shabaab ka fuliyaan wadada xiriirisa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe.