
Kenya-RisaalaFM- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa cambaareeyay dalab ay Xildhibaanada Kenya ku dalbanayaan in la kordhiyo mushaaraadka loogu talagalay, maadaama ay sheegeen mushaaraadka loogu tala galay in uusan ku filan.
Madaxweynaha oo Khamiistii ka soo muuqday Warbaahinta Kenya, ayaa wax laga xishoodo ku tilmaamay soo jeedinta Xildhibaanada, wuxuuna afka ku balaariyay inaanu saxiixi doonin, hindise kasta oo mushaaraadka lagu kordhin karo.
“Waa arrin laga xishoodo in Xildhibaanada Baarlamaanka ay muujiyan sida ay u yihiin kuwo isla weyn, ka hor inta aan xitaa xafiiska loo dhaarin, Waa inaanu fahamnaa in naloo diray inaan dadka u shaqayno, balse aan loo baahnayn inaan ka faa’iideysano.” Ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Madaxweyne Kenyatta, ayaa cadeeyay ka madaxweyne ahaan inuu taageersan yahay soo jeedintii Guddiga SRC, oo ahaa in la yareeyo mushaaraadka ay qaataan masuuliyiinta dowladda.
“Waxaan rabaa inaan si cad oo daah saarnayn u sheego, waxaan si buuxdo u taageersanahay soo jeedinta Guddiga SRC, ee ku aadan mushaar yaraynta, kaa oo yaraynaya mushaaraadka masuuliyiinta dowladda, oo ka soo bilaabanaya min madaxweyne illaa halka ugu hooseysa.” Ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.
Kenyatta ayaa mar kale yiri “Waxaan ugu baaqaya Xildhibaanada sharafta leh, haddii ay doonayan in ereygaasi loogu yeero inay ixtiraamaan yaraynta mushaaraadka. Waxaan idin sheegaya aniga oo weli sugaya amarka Maxkamadda Sare, oo xitaa haddii ay xukunto, waxaan idiinku dhaaranaya inaanan marnaba saxiixi doonin sharcigaasi.”


