Faah faahin Qarax ka dhacay Degmada Howlwadaag

Muqdisho-RisaalaFM- Qarax Miino oo la sheegay in la dhigay meel Maqaayad ah oo ku dhow Isgoyska Degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ayaa Ciidanka Dowladda waxa ay ku guuleysteen in Qarxiyaan Miinadaasi.

Dad ku sugnaa goobta Miinada la dhigay ayaa la sheegay in ciidanka ay wargeliyeen, iyadoo durba halkaasi ay tageen ciidamada dowladda, islamarkaana dadkii ka kala eryey nawaaxiga halka miinada ay taallay.

Goob jooge ayaa sheegay, in markii dadka shacabka ahaa halkaasi laga eryey kadib Miinada la qarxiyey, mana jiro wax khasaare ah oo halkaasi ka dhashay.