Faah-faahin laga helayo qaraxyadii ka dhacay degmada Baardheere

Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee Degmada Baardheere, ayaa faah-faahin ka bixiyay Qaraxyo saaka ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qaraxyada oo ahaa Shan qarax ayaa ka dhacay Wadada Dheer ee Bartamaha ka marta Degmada Baardheere, waxaana ay sababeen Qaraxyadaasi Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyada ay ahaayeen kuwo waxyeelo kasoo gaartay dadka deegaanka oo rayid ah.

Hal ruux oo shacad ahaa ayaa la sheegayaa inuu ku dhintay qaraxii koowaad ee ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ciidamada Itoobiya ayuu sheegay in labo Askari ay waxyeelo ka soo gaartay, balse uusan xaqiijin karin inay jirto dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidamada Itoobiya soo gaaray.

Si gaar ah Qaraxyadan waxa ay kaga dhaceen wadada u dhaw Shirkadaha, isaga oo sheegay Sarkaalkaan in ciidamada ay ku guuleysteen inay soo saaraan labo Miino.