Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeyso qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne kaasi oo sababay dhaawaca shan ruux.
Labo kamid ah dadka dhaawacmay ayaa ahaa askarta dowlada Jabuuti ee kusugnaa albaabka garoonka oo baaritaan ku sameynayay dadka garoonka gudaha u galaya.
Seddexda ruux ee kale oo xaaladooda la sheegay iney liidato ayaa la sheegayaa iney ahaayeen dad la shaqeeya mid kamid ah shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala magalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in qaraxa loo adeegsaday labtop, kaasi oo la sheegay inuu saarnaa mid kamid ah basaska dadka rakaabka kasoo qaada magaalada Beledweyne ee geeya garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.
Laamaha amaanka ayaa xabsiga dhigay dhamaan dadkii kale ee baska la socday kuwaasi oo markii hore la sheegay iney gudaha u galeen garoonka diyaaradaha, balse markii qaraxa uu dhacay laga soo saaray.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka gaabsaday iney dhankooda ka hadlaan laakiin saraakiisha ciidamada ayaa xaqiijinaya in qaraxa loo adeegsaday Labtop.
Ma jiro wax dhimasho ah oo qaraxa uu sababay, balse waxaa jirta in seddex kamid ah dadka dhaawacantay xaaladooda laga deyrinayo.


