Gaalkacyo-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaalkii gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.
Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkan ayaa waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacy, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.
Dadka degan Magaalada Gaalkacyo ayaa ka cabsi qaba in markale Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ay ku dagaalamaan halkaasi.
Wada hadaladii u dhaxeeyay Waxgaradka Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa burburay, maadaama Dagaal u dhaxeeya labada dhinac uu markale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Maamulka Puntland ayaa dhowaan ku dhawaaqay in ay la dagaalamayaan Dagaalyahanada Shabaab iyo Galmudug oo ay sheegeen in ay ku soo duuleen Deegaanadooda.


