Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Hodan gaar ahaan xaafada KPP ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa dab uu ka kacay Guri ku yaalla Degmadaasi.
Dabkan ka kacay xaafada KPP ee Degmada Hodan ayaa ka dhashay Koronto sida ay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho u sheegeen Dadka Deegaanka.
Dabkan ayaa geystay khasaare hantiyadeed, waxaana uu gubay ilaa iyo 3 Qol oo ka mid ah Gurigiii uu dabka ka kacay.
Gaadiidka Dab damiska ayaa waxa ay soo gaareen goobta uu dabka ka kacay, waxaana ay ku guuleysteen daminta dabkii ka kacay Guri ku yaalla xaafada KPP ee Degmada Hodan.


