Faah faahin Dagaalkii Beled-xaawo

Beled-xaawo-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo ururka Al-Shabaab ay saakay aroortii ku qaadeen Degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo.

Shabaabka ayaa sheegay in ay dagaal kula wareegeen xero Ciidamada Jubbaland ay ku lahaayen wadada laga soo galo Bariga Degmada Beled-xaawo, kadib markii Ciidamada Jubbaland ay isaga baxeen halkaasi.

Dhaawacyada dadka rayidka ayaa waxaa la gaarsiiyay Isbitaalka Jubba National Hospital, oo ah isbitaal gaar loo leeyahay. Dhibane-yaashu waxaa qaarkood la soo warinaya in ay xaaladoodu liidato.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya Ururka Al-Shabaab in ay dib uga baxeen Degmada Beled-xaawo, waxaana intii ay haysteen sameeyeen hawlgal ballaaran.

Dhanka kale waxaa aad u adag in xog dhab ah laga helo khasaaraha dagaalka ka soo gaaray Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland inta uu gaarsiisan yahay, balse dadka reer Beled-Xaawo waxay sheegeen inay gudaha degmada ku arkayn meydka hal askari.