Muqdisho-RisaaalFM- Dab xoogan oo geystay khasaare haniyadeed ayaa caawa ka kacay Geerish ku yaalla dhabarka dambe ee Hotel Towfiiq degmada yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Dabkan oo aanan la ogeyn waxa sababay ayaa waxa uu ka kacay Geerish ay leedahay shirkadda Taran, kaasi oo lagu xareeyo Baabuurta, sidoo kalena ay yaalaan qalab dhismo oo shirkadda ay leedahay.
Sida dad goob joogayaal ah ay inoo sheegeen goobta uu dabka kacay ayaa waxaa gaaray Afar ka mid ah Gaadiidka dab damiska, kuwaasi oo ku howlan daminta dabka kacay, iyada oo inta aysan Gaadiidka halkaasi soo gaarin ay taageero dab damin ah fidiyeen dad degaanka.
Ilaa hadda lama soo sheegin waxa sababay dabkan, balse waxaa jira hanti ku gubatay dabkaasi, Ciidamada ammaanka ayaa xiray agagaarka goobta uu dabka ka kacay, waxayna ka horatagayaan in ay dhacaan falal xatooyo, inta uu mashquulka jiro.
Dhinaca kale kaalin shidaal oo ku taalla magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa caawa ka kacay dab geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed, sida ay inoo sheegeen wariyeyaal ku sugan magaaladaasi.
Dabkan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen laba qof, halka ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale, iyada oo ay jiraan khasaare hantiyadeed.
Muuqaalo iyo Sawirro laga soo qaaday goobta uu dabka ka kacay ayaa muujinaya in goobta uu ka jiro mashquul badan, oo ay socdaan howlo gurmad ah oo la xiriira dabkan kacay.



