Faah faahin:- Ciidamada Itoobiya oo laba qof kudilay xuduudka Somaliland iyo Itoobiya

Wararka naga soo gaaraya tuulada Qoolbulaalle ee dhacda xadka Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegay in  Ciidamada Itoobiya ee ku sugan ay toogasho ku dilay Askari ka tirsan Booliiska Somaliland iyo qof shacab ah.

Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Hargaysa, halka qofka shacabka ah ee la dilay oo ahaa wiil dhallinyaro ahna lagu magacaabi jiray Ismaaciil Xasan Budul.

Askariga iyo qofka shacabka ah ayaa u dhintay toogasho ay sameeyeen ciidamada Itoobiya ee xuduuda, laakiin ilaaa hada lama oga sababta keentay toogashada, waxaana falkaasi ka carooday dadka kunool tuulada Qoolbulaalle ee dhacda xadka Somaliland iyo Itoobiya.

Maaha markii ugu horaysay ee ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduuduhu ay dilal u gaystaan dad shacab ah oo reer Somaliland ah, waxa jiray marar kala duwan oo dad shacab ahi ay ku dhinteen toogasho ay sameeyeen ciidamada Itoobiya.

Somaliland iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaan weli ka hadlin dilka dhacay, sababta keentay, hayeeshee la filayo in saacadaha soo socda ay ka hadlaan Saraakiisha Ciidamada Booliska Somaliland.