FA-ga Oo Ka Soo Jawaabay Racfaankii Uu Jose Mourinho Ka Qaatay Casaankii Son Heung-min

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ee magaciisa loo soo gaabiyo FA-ga ayaa soo diiday racfaankii uu tababaraha Tottenham Jose Mourinho ka qaatay casaankii Son Heung-min la siiyay kulankii Chelsea.

27 jirkaan ayaa casaan toos ah loo taagay kulankii Axadii ay guuldarada 2-0 ka soo gaartay Blues ka dib markii uu haraantiyay daafaca Jarmalka Antonio Rudiger.

Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa durbadiiba racfaan ka qaadatay casaanka laakiin waa la soo diiday maanta.

Son ayaa haatan seegi doona kulamada Premier League ee ay Tottenham la ciyaareyso kooxaha Brighton, Norwich iyo Southampton.

Xiddiga reer South Korea ayaa casaan qaatay seddex jeer sannadkan 2019, waana ciyaaryahankii ugu horeeyay ee seddex casaan ah qaata sannad gudahiis tan iyo markii uu qaatay Lee Cattermole sannadkii 2010.

Casaankiisii ugu horeysay ee sannadka waxa uu qaatay kulankii ay guuldarada 1-0 ka soo gaartay Bournemouth bishii May.

Ka hor inta aan casaan lagu siinin garoonka Goodison Park markii uu taakal ku qabtay Andre Gomes.