FA-ga oo ganaax cusub afka ugeliyay Chelsea & Man City

Kooxda Chelsea ayaa ganaax dhan £100,000 uga timid xariirka kubada cagta Ingiriiska sidaas waxaa lagu sheegay bayaan goordhow soo baxay.

Labada koox ee Chelsea iyo Manchester City ayaa lug lahaa buuq ay ciyaaryahanada sameeyeen kulankii bishii lasoo dhaafay sidaas waxaa ogaatay FA.

Kooxahan ayaa lagu eedeeyay iney koontarooli waayeen ciyaaryahanadooda, waqtigii dheeraadka ahaa ee kulankii horyaalka Ingiriiska ee December 3 sanadkii hore.

Chelsea ayaa kulankaas 3-1 ku badisay waxaana kaararka gaduudan loo taagay ciyaaryahanada Manchester City Fernandinho iyo Sergio Aguero.

Chelsea ayaa garka loo geliyay ganaax £100,000 halka  City ay dhankooda heleen ganaax dhan £35,000.

“Gudiga ma uusan go’aamin in koox gaar ah ay ka danbeysay isku dhacaan, waxaana gudiga uu ogaaday in dhibaatada ay ka dhalatay taakalkii uu Aguero la helay David Luiz taas oo ciyaarta looga saaray ama in Chalobah uu riixay taas oo iyadana masuuliyad aheyd” sidaas waxaa yiri Gareth Farrelly oo katirsan FA-ga

Chelsea ayaa sidoo kale digniin loo jeediyay, laakiin sababta ay Chelsea lacagta badan ubixineyso ayuu xariirka ku sheegay iney marar badan ganaaxyo kuwaan lamid ah la kulantay ilaa sanadkii 2011, ilaa markaasna waxaa lagu xakumay ganaax dhan £500,000.