Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa lagu soo oogay dacwad ka dhan ah xiriirka kubada cagta England kadib markii uu wax ka sheegay garsoore Anthony Taylor in uuka hor kulankii Liverpool iyo Manchester United.
Mourinho oo ka hadlay in garsoore Taylor loo magcaabay kulankii 17 October ayaa yiri, cadaadis ayuu kala kulmayaa garsoorahaan in loo dhiibo ciyaartaan.
Tababarayaasha ayaan loo ogoleyn in ay wax ka sheegaan garsoorayaasha ciyaarta ka hor ama kadib, kaasoo ah sharci FA-gu ay dhaqan geliyeen 2009.
Mourinho ayaa heysta ilaa iyo 31 October in uu kaga soo jawaabo dacwadaan kaga timid xiriirka kubadda cagta FA-ga.
Taylor ayaa afar kaar hurdi ah ku bixiyay kulankii adkaa ee Liverpool iyo Manchester United oo kusoo dhamaaday barbaro 0-0.


