Eritrea oo la sheegay ineysan ku luglaheyn taageerada Alshabaab  

Kooxda Dabagalka Cunaqabateynta saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa si cad u sheegtay in dowlada Eritrea aysna ku lug laheyn taageerada ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Rafael Darío Ramirez Carreño, oo ah gudoomiyaha gudiga Cunaqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegay ineysan helin cadeyn muujineysa in dowladda Eritrea ay taageerto ururka Alshabaab, laakiin wuxuu sheegay in Eritrea taageero kooxo ka dagaalama dalka Ethiopia.

Kulan ay iskugu yimaadeen golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayuu ka sheegay Mr Carreno, iney waayeen cadeymaha eedeymo badan oo loo jeediyay dowlada Eritrea, oo ah iney taageerto ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowlada Eritrea ay wada shaqeyn kooban la sameysay hayada intii baaritaanka uu socday, wuxuu sidoo kale sheegay ineysan ku guuleysan murun xuduudeedka u dhaxeeya dowlada Eritrea iyo Jabuuti.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey  ayaa magacaabay 8 Qubaro, si loo kordhiyo howsha Kooxda dabagalka ee Geeska Afrika.

Intii ay socotay dooda ayaa Guddiga dabagalka so jeediyeen in xubnaha guddiga loo  ogolaado in ay tagaan gudaha Eritrea oo 3 Sano ka hor ay ugu dambeeysay kadib markii dolwaddaasi ay diidday in xubnahaasi ay tagaan dalkeeda.