Ergooyin la kulmay Al-Shabaab oo lagu xiray Shabeellaha Dhexe

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan GGobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay deegaanka Ceel-Baraf ee Gobolkaasi ku xireen xubno ka mid ah ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Ergooyinka la xiray oo isugu jira rag iyo Dumar ayaa wararku waxa ay sheegayaan inay gaarayaan ilaa 50,kuwaas oo tegay deegaanka Al-Kowsher ee degmada Aadan-Yabaal,isla markaana ay ka mid ahaayeen ergooyinkii tegay deegaannada ay Maamulaan Al-Shabaab.

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in ergooyinka lagu xiray Ceel-Baraf loo diiday cuntadii iyo weliba inay la xiriiraan eheladooda,kuwaas oo dhibaatooyin culus ay soo wajaheen.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Saraakiisha ciidamada weli kama hadlin xariga Ergooyin ka mid ah kuwii soo xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka,waana deegaankii labaad oo ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ee ergooyin lagu xiro,waxaana todobaadkii hore lagu xiray Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.