Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha ayaa sheegaya in Qaar ka mid ah Ergooyinkii ka qeyb galayay Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe ay iska baxeen Shirka.
Qaar ka mid ah Ergooyinka ayaa iska baxay Shirka ka dib markii ay sheegeen in ay waayeen xubnihii ay ku lahaayeen maamulka loo dhisaayo Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.


