DHAGEYSO: Amnidarada ka jirta gobolka Togdheer oo war laga soo saaray

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer Axmed Maxamed Guutaale oo warbaahinta la hadlay ayaa war ka soo saaray amni darada ka jirta Gobolka Togdheer.

Axmed Maxamed Guutaale Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer ayaa sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan Dhalinyarada falalka la xiriira amni darada ka geysta Gobolka Togdheer.

Wuxuu sheegay in aan loo dulqaadan doonin in la dhibaateeyo shacabka ku dhaqan Gobolka Togdheer, isagoo sidoo kale sheegay in Booliska ay diyaar u yihiin ay sharciga hor geeyaan, cidii lagu soo qabto iyadoo gacanta kula jirta fal amniga qal qal gelinaya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer Axmed Maxamed Guutaale ayaa ugu dambeyn Dhalinyarada amni darada geysata waalidiintooda ugu baaqay in ay caruurtooda ay falkan ka wacyi geliyaan.