Ergaygii QM ee Arrimaha Sudan oo Is-casilay

Volker Perthes (C), Special Representative of the United Nations Secretary-General for Sudan and Head of the UN Integrated Transition Assistance Mission in Sudan, oversees the evacuation of internationally-recruited personnel in Port Sudan on April 24, 2023. A UN convoy carrying 700 people completed an arduous 850 kilometre (530 mile) road trip from the Sudanese capital, where gunfire and explosions have echoed through the streets, to Port Sudan on the Red Sea coast. (Photo by AFP)

Volker Perthes oo ah Dibloomaasi u dhashay dalka Jarmalka waxa uu maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay Xilkii Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Sudan.

Ergayga oo Khudbadiisii u dambaysay maanta u jeediyey xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxa uu ka digay inuu Dagaalka ka socda Sudan uu horseedi karo Dagaal Sokeeye oo dhamaystiran (full-scale civil war).

Is-Casilaadiisa ayaa timid, iyadoo ay Dowladda Sudan ku dhawaaqday bishii June 8-dii ee sanadkan inay Ergaygaasi u aqoonsadeen Shaqsi aan laga doonaynin Sudan (persona non grata).

Qoraal uu Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalkaasi, Jeneral C/Fataax C/raxmaan Al-Burhan u diray Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayuu ku sheegay inuusan Ergayga dhexdhexaad ka ahayn Colaada dalkaasi.

Ergayga Is-casilay ee Volker Perth waxa uu Xilkaasi hayey tan iyo bishii January ee sanadkii 2021-dii.