Turkiga dagaalkiisa xagga hadalka ee ku wajahan Holand ayaa kasii kululaanaya kuwii hore, kaddib markuu mudane Erdogan uu dowladda Holand ku eedeeyay inay gacan-libaax ku lahaayeen xasuuqii Bosnia ka dhacay sanadkii 1995, gaar ahaan magaalada Srebrenica.
Ciidamadii nabad ilaalinta ahaa ee ka socday dalka Holand waqtigaas ayaa ku guuldarraystay inay magangaliyaan dadkii Muslimiinta Bosnia ahaa oo waqtigaas ay xasuuqayeen ciidamada Serbia.
Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday inay wali muuqdaan dhibaatadii ay ku luglahaayeen ciidamadii nabad ilaalinta Holand ee Bosnia ku sugnaa.
Raysalwasaaraha Holand Mark Rutte ayaa warfidiyaannada u sheegay in eedeyntaasi tahay been abuur.
Rutte wuxuu yiri, “Mr Erdogan wuxuu u muuqdaa qof sii xanaaqaya marba marka ka dambeysa waxaan ka codsanayaa inuu isdajiyo”.
Carada Turkiga waxay timid markii dowladda Holand ay laba wasiir oo Turkey ah u diiday inay waddankeeda galaan, si ay ula hadlaan dad Turkey ah oo deggen dalka Holand.
Taa baddalkeeda madaxda Turkidu waxay Holand ku eedeeyeen inay tahay “Haraadigii Nazi” waxay kaloo Turkidu cagta u dhigeen inay soo dhawayn heer sare ah u sameeyaan safiirkii Holand oo markaas Ankara kusoo dagay, waxaa kaloo intaa u dheer inay booska ka saareen ixtiraamkii xagga diblomaasiyadda labada waddan.
Raysalwasaare kuxigeenka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa sheegay in waddankiisu cunaqabatay xagga dhaqaalaha kusoo rogi doono Holand, taasoo uu ula jeedo inay canshuurta ku kordhin doonaan wixii waddanka Holand ka yimaada.



