Maamulka degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa waxaa ay Faahfaahin ka bixiyeen Xaaladda Barakacayaasha ku sugan Degmada Waajid.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada iyo Amniga degmada Waajid Cadow Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo Barakacayaal ah oo ku sugan degmada Waajid.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in degmada uu ka dilaacay Cudurka Shuban biyoodka , islamarkaana isbitaalka la dhigay dad badan oo uu soo ritay Cudurka.
Dowladda Soomaaliya , maamulka Koonfur Galbeed iyo Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay Gargaar deg deg in ay soo gaarsiiyaan dadka ku dhibaateysan degmada Waajid.


