Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Maanta la kulmay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska Boris Johnson.
Madaxweyne Farmaajo ayaa garroonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa uu kula kulmay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska Boris Johnson oo saaka soo gaaray Muqdisho.
Farmaajo ayaa kala hadlay Xoghayaha Arimo la xariira Abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale Shirka looga hadlaayo Abaaraha Soomaaliya ee Bisha May lagu qaban doono Magaalada London.
Xoghayaha oo saaka socdaal aan horay loo sii shaacin ku yimid Muqdisho,waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Dowladda Ingiriiska ayaa xoojisay Xiriirka ay lala leedahay dowladda Soomaaliya Sanadyadii lasoo dhaafay.



