Maamulka Australia ayaa ka digay halista ka dhalan karta in gudaha diyaaradaha lagu isticmaalo qalabka baytariyada ku shaqeeya, ka dib markii uu dab qabsaday haweenay qabtay sameecadaha dhaga la gashado.
Haweenayda ka duushay magaalada Beijing kuna sii jeeda Melbourne ayaa ku toostay dhawaaqa qarax.
Markii ay iska tuurtay sameecadigii dhagaha ugu jiray ee ay wax ku dhagaysanaysayna waxay aragtay iyagoo uu dab qabsaday oo bilaabay in ay dhalaalaan.
Qaraxa iyo dabka ayaa wajigeeda badalay oo madoobeeyay.
Haweenaydan rakaabka ah oo aan magaceeda la shaacin ayaa waaxda badqabka gaadiidka ee Australia u sheegtay in ay muusik dhagaysanaysay markii uu qaraxu dhacay.
Shaqaalaha diyaaradda ayaa markiiba caawiyay oo damiyay dabkii kacay sameecadaha dhagaha la gashado.
Wali lama sheegin shirkadda samaysay qalabkaas, laakiin waxaa la sheegay in la rumaysan yahay in ay u badan tahay in ay ciladdu ka dhalatay baytariyada lithium-ion.
Dhawr dhacdo oo arrintaas la xiriirta markii ay diyaarado ka dhaceena waaxaha duulimaadyada hawada ee dalalka caalamka ayaa mamnuucay in diyaaradaha lala raaco taleefanka Note 7, Samsung ayaa dalbatay in dadka gatay Note 7 ay soo celiyaan, waxayna joojisay soo saaristii taleefanka.
Xigasho BBC



