Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayib Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka dhawr jeer ku baaqay in uu ka qayb qaadanayo ololaha hay’adda bisha cas ee Turkiga uga sama falayso Abaarta iyo gaajada ku dhufatay gobolka geeska Africa.
Hay’adda socdaalka adduunka ‘IOM’ ayaa salaasadii la soo dhaafay ku baaqday in la qaado talaabo deg-deg ah oo lagu caawinayo 20 milyan oo ruux oo baahi ku wajahaysa dalalka K/Suudan, Soomaaliya, Yeman iyo W/Nigeria. Abaarta sidoo kale Kenya-na way ku dhufatay.
“Anaga indhaha kama laaban karno codsiyada ka imaanaya dalalkan oo ka jira gaajo ka dhalatay abaaraha, heer aad u khatar ahna gaartay,”sidaas ayuu Erdogan qoray. “ Turkida waxa ay bilowday olole gar-gaar lagu gaarsiinayo dadka ku nool beriga Africa iyo Yeman kuwaa oo u baahan kaalmadeena deg-degga”.
Soomaaliya ayaa xasuusata doorkii Turkida ay ka qaateen gurmadkii abaaraha ka jiray Soomaaliya sannadkii 2011 kolkaas oo Soomaaliya ka jirtay xaalado beni’aadinimo oo aad u daran, Soomaliya ayaa sidoo kale Turkida la ah saaxiib dhaw oo arrimo badan wadaagaya.


