Kooxda kubadda cagta ee Tottenham Hotspur ayaa soo dhoweyneysa dhiggeeda Chelsea toddobaadka 13-aad ee Premier League, iyadoo labada koox ay isu jiraan keliya farqi hal dhibic ah, isla markaasna Blues ay sarreyso.
Difaaca reer Belgium ee Jan Vertonghen ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Tottenha, waxaana kooxda Macallin Mauricio Pochettino ay arrintan u tahay mid farxad gelineysa.
Xaaladda dhaawacyada iyo ganaaxyada labada koox
Inkastoo uu Spurs usoo laabtay Jan Vertonghen, balse weli waxaa kooxdan kasii maqan Davinson Sanchez iyo Keiran Trippier.
Danny Rose ayaa isna ku dhow illaa maanta inuu kazoo laabto dhaawac gumaarka ka heysta, balse Mousa Dembele ayaa dalka Qatar lagu dabiibayaa, kaasoo dhaawac ka qaba canqowga.
Chelsea wax dhaawacyo cusub ah ma jiraan, Mateo Kovacic ayaana ay dib u heleysa, kaasoo dhaawac yar uu kazoo gaarray muruqa intii uu ku maqnaa gudashada waajibaadka qaran.
Safafka macquulka ah ee ay labada tababare kusoo billaabi karaan
Tottenham XI: Lloris, Aurier, Alderweireld, Vertonghen, Davies, Dier, Winks, Eriksen, Alli, Lucas, Kane
Chelsea XI: Kepa, Azpilicueta, Rudiger, Luiz, Alonso, Kante, Jorginho, Barkley, Willian, Morata, Hazard
Xaqiiqooyinka kullankan u gaarka ah
Tottenham waxa ay Chelsea garaacday saddex ka mid ah toddobadii kullan ee ay kula kullantay kullamada Premier League, waana in la eg inta ay ka gaartay 49-kii kullan ee ka horreysay (3guul, 18bareejo, 28qasaaro).
Chelsea waxa ay Spurs kusoo garaacday bannaanka keliya laba jeer kullamada horyaalka, waxaana ku jira midkii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkii hore (5bareejo, 5 qasaaro).
Tottenham waxa ay raadineysaa in markii ugu horreysay ay Chelsea garaacdo laba kullan oo xiriir ah horyaalka tan iyo August 1987.
Chelsea waxa ay shabaqa ka ilaaliyeen Spurs 21 jeer kullamada Premier Leaue-ga, waana kooxda ugu badan ee ay gool u diiddo.
Kullankan waxa uu noqon doonaa midkii toddobaad oo ay Tottenham iyo Chelsea ku wada ciyaaraan garoonka Wembley Stadium, waxaana Blues ay garaacday Spurs afar jeer, ma jirto koox Chelsea kaga badan in Tottenham lagu garaaco Wembley.



