EPL: Hordhaca kullanka Derby Manchester, Miyey United dib u heli doontaa Lukaku? De Bruyne yaa ku wehliya diiwaanka dhaawacyada?

Waxaa maanta la ciyaari doonaa kullanka ugu xiisaha badan toddobaadka horyaalka Ingiriiska, iyadoo Manchester City iyo Manchester United mar kale is wajahayaan.

Ciyaartan waxa ay ka dhici doontaa garoonka Etihad Stadium ee ay leedahay City oo hooggaanka horyaalka Premier League-ga heysa.

United waxa ay hadda ku jirtaa booska 8-aad ee kala sarraynta horyaalka, waxaana haddii ay adkaato soo geli doontaa booska lixaad.

Xiddigaha ka maqan labada koox, kuwa usoo laabtay iyo ciyaartoyda aanan la hubin

Manchester City dhaawacyo cusub diiwaankeeda ma uusan gelin, hase ahaatee, waxaa kullankan seegi doona Kevin De Bruyne iyo Claudio Bravo.

Dhanka Red Devils, waxaa si aad ah loo hadal hayaa Romelu Lukaku, kaasoo loo badinayo inuu ciyaartan soo laaban doono.

Diego Dalot ayaa ciyaartan seegi doona sidoo kale, waxaase soo laabashadiisa la filayaa Antonio Valencia isagoo ka mid ahaa safkii u duullay Turin.

Safafka macquulka ah ee ay labada macallin kusoo billaabi karaan

Man City: Ederson; Walker, Stones, Laporte, Mendy; Fernandinho, Bernardo, Silva; Sterling, Sane, Aguero

Man United: De Gea; Young, Smalling, Lindelof, Shaw; Matic, Herrera, Pogba; Mata, Martial, Sanchez