Maxaa laga bartay soo laabashadii weyneed ee Dortmund ku sameesay Bayern

Kulanka ugu weynaa ee xalay Yurub laga cayaaray Der Klassiker waxaa kasoo baxday natiijo wax badan laga sheekeen doono kadib markii Borussia Dortmund 3-2 guusha kaga qaadatay Bayern Munich cayaar Dortmund labo jeer soo laba kacleesay.

Borussia Dortmund 3-2 Bayern Munich: Lewandowski (26′, 52′), Reus (49′ rigoore, 67′),Alcácer (73′).

Dortmund guusha ay gaartay waxay kaga dhigan tahay inay haatan 27-dhibcood leedahay waxayna afar dhibcood hogaanka kaga hayaan naadiga Borussia Mönchengladbach halka Bayern Munich booska sedexaad ku jiraan ayagoo leh 20-dhibcood waxayna cayaarayeen 11-kulan.

Xaqiiqooyin Kooban Kulankii Xalay:

Bayern Munich haatan 8-dhibcood ayay heshay 7-kulan ee ugu dambeesay Bundesliga sidoo kalena waligood kama aysan soo kabanin hogaan 7-dhibcood looga qabtay horyaalka oo meel dhexe maraayo.

Dortmund cayaartooydooda waxay dhaliyeen 18-gool ayagoo badal kusoo galeen dhamaan tartamada kala duwan waxayna 10-gool dheer yihiin naadi walbo oo cayaarto 5-horyaal Yurub ugu caansan goolasha ay cayaartooyda badal kusoo galeen dhaliyeen.

Paco Alcacer wuxuu dhaliyay 8-gool lixdiisa kulan ee ugu horeyso Bundesliga, cayaaryahan sidaas sameeyo Bundesliga asigoo naadi ku cusub wuxuu ahaa Gert Dörfel oo naadiga Hamburg sidaas u sameeyay 1963.

Marco Reus ayaa dhaliyay 8-gool 11-kulan ugu horeyso Bundesliga wuxuuna dhaafay wax qabadkiisii ugu wanaagsanaa xili cayaareedkii 2015/16 markaas oo uu 7-gool ku dhaliyay 8-kulan ugu horeesay.

Dortmund xili cayaareedkan marnaba lagama badinin waxay guuleesteen 8-kulan halka 3-kulana ay bar bar dhac galeen sidoo kalena 33-gool ayay dhaliyeen waxaana laga dhaliyay 13-gool.

Dortmund waxay ka badiyeen markii ugu horeesay tan iyo November 2016 cayaar ka tirsan Bundesliga, sidoo kale waa markii ugu horeesay Dortmund ay hal gool ka badan Bayern ka dhaliyaan tan iyo April 2014.

Paco Alcacer xili cayaareedkan garoonkiisa Signal Iduna Park kulan walbo uu kasoo muuqday gool ayuu ku dhalinayaa 4-kulan iyo 6-gool dhamaan tartamada kala duwan.

Robert Lewandowski 12-gool ayuu ka dhaliyay kooxdiisii hore Dortmund kulankan caanka ah Der Klassiker asigoo xiran maaliyada Bayern.