Manchester City keliya laba jeer ayay ka adkaatay United siddeeddii kullan ee lasoo dhaafay dhammaan tartamada, laba bareejo ayay galeen, Afarna waxaa adkaatay kooxda Jose Mourinho hooggaamiyo.
Manchester United oo kullankii ugu dambeeyay 2-3 kusoo adkaatay Etihad iyadoo ku ciyaareyso, ayaa raadineysa inay markale laba kullan oo xiriir ah ay kusoo guuleystaan garoonkaas kullamada EPL-ka, waxaana horraan ay sidaas u sameysay November 2008 illaa April 2010.
Laba ka mid ah saddexdii jeer ee ay Manchester United garaacday Man City iyadoo goolal lagu leeyahay waxa ay yimaadeen iyadoo marti ah, waxaana ay kasoo laabatay 2-0, taariikh ahaanna waxa ay kala ahaayeen November 1993 iyo April 2018.
Kullamada horyaalka Premier League ee ay ciyaaraan Manchester City iyo Manchester United waxaa adkaanayay kooxda martida ah17 jeer, keliya kullanka Liverpool vs Aston Villa (19) iyo kullanka Everton vs Man United (18) ayaa ka badan inta jeer oo kooxaha booqashada ay guuleysanayeen.
Weeraryahanka Manchester City ee Raheem Sterling ayaa 19 isku day ku sameeyay Manchester United kullamada Premier League-ga, 12 kullan oo uu kaga hor yimid, marnaba kuma uusan guuleysan inuu gool ka dhaliyo, isagoo ka mid ah ciyaartoyda ugu yaraan 50-ka gool ka dhalisay horyaalka EPL, keliya Robbie Keane oo 22 isku day ku sameeyay Man United ayaa kaga horreeya rikoorkan liita.
Sergio Aguero oo toddoboadiisii kullan ee ugu horreysay Premier League-ga Manchester United ka yimaado toddobo gool ka dhaliyay, ayaa saddexdii kullan ee ugu dambeysay ee uu ka hor yimaado aanan gool dhalinin.
Anthony Martial ayaa afartii kullan ee ugu dambeysay Premier League-ga gool u dhaliyay Manchester United, waxaana haddii uu maanta gool dhaliyo uu toddobo ku noqon doonaa ciyaartoyda Man United shan kullan iyo wax ka badan oo xiriir ah gool ugu dhalisay Premier League-ga (Ruud van Nistelrooy(oo afar jeer sameeyay), Wayne Rooney(oo laba jeer sameeyay, Eric Cantona, Dwight Yorke, Cristiano Ronaldo iyo Robin van Persie).
Kani wuxuu noqonayaa kullankii 22-aad ee dhexmara Jose Mourinho iyo Pep Guardiola, macallinka reer Spain ayaa guuleystay sagaal jeer, waxaase dhinaciisa dhulka la dhigay shan jeer iyagoo toddobo jeerna bareejo galay 21-kii ciyaarood ee hore.
Jose ayaa Pep garaacay Shan jeer, waxaana guul ka badan kuwiisa Guardiola ka gaaray Jurgen Klopp oo toddobo jeer garaacay.



