Ehellada Mukhtaar Roobow oo ku gacan seyray warka kasoo yeeray NISA

In this photo taken Wednesday, Oct. 10, 2018, Mukhtar Robow, who was once deputy leader of Africa's deadliest Islamic extremist group the al-Qaida-linked al-Shabab, speaks at a press conference about his candidacy for a regional presidency, in Baidoa, Somalia. Once the No. 2 leader of al-Shabab, now Mukhtar Robow is running for a regional presidency in Somalia, defying a government that says he's ineligible because he remains under international sanctions. (AP Photo)

Ehelada Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ku gacan sayray xog ku jirtay warqad ay soo saartay hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo lagu sheegay inuu nabad qabo, caafimaadkiisuna wanaagsan yahay, xaasaskiisa iyo ciddii kale ee uu dalbadaana ay booqdaan sidoo kaleba uu waxbarasho jaamacadeed ku jiro, amnigiisana ay gacanta ku hayaan.

Hasayeeshee Ibraahim Roobow Cali oo ay walaalo yihiin Mukhtaar Roobow ayaa ku doodaya in muddo saddex sanadood ah aanay indhaha saarin walaalkood, cid booqatayna aanay jirin, caafimaadkiisana ay ka walwalsan yihiin.

Warqadda NISA waxay jawaab u ahayd amar uu wasiirka amniga ee Soomaaliya ku faray in ay xaaladda Mukhtaar Roobow muddo sideed iyo afartan saacadood gudahood ah ay warbixin faahfaahsan kaga soo siiso hay’addu.