Laba iyo toban bilood ka hor, Eden Hazard ayaa farxad weyn la heystay Chelsea Football Club. Waxana uu ahaa mid kamid ah ciyaartooyda ugu amaanta badan bules iyo Premier League ,
Waxaa uu ku guuleystay abaalmarinta PFA xilli ciyareedki hore, waxaana lala barbardhigayay halyeeydii soo maray kooxdan ee Didier Drogba iyo Petr Cech,
Laakiin ka dib markii lagu ooriyay qeybtii hore ee kulankii xalay ka dhacayay Stamford Bridge waxaa iska cad in xiddigii hore ee Lille uu ka tagi doono galbeedka London xilli ciyaareedka soo socda.
Hazard bandhigiisa saboolka ah ee xilli ciyaareedkan ayaa waxaa loo aanaynayaa in ay xiriir xumi u dhaxeysay isaga iyo Jose Mourinho, wuxuuna ahaa mid ku guuldareystay in gool uu ka dhaliyo mudo Horyaalka.
Laakiin halk Diego Costa iyo Cesc Fabregas oo kamid ahaa ciyaartooydii loo aaneynayay dhibaatada Chelsea in ay ka dambeeyaan ayaa bandhig fiican galay tan iyo markii la ceyriyay Jose Mourinho.
Lakiin Hazard ayaan isbedel badan sameyn tan iyo ceyrintii tababaraha reer Portugal, kasoo xili ciyaareedkii hore Bules u qaaday Horyaalka Ingiriiska.
Ka dib markii ay maaliyada kala bedesheen Angel Di Maria waqti nasahsda ee ciyaarta lugta labaad Hazard ayaa si fool xun ay ugu qeyliyeen tageerayaasha garoonka kusugnaa iyo u muujiyay ixtiraam daro.