Ed Woodward Oo Soo Gaaray Xafiiska Man United Ee London Si Uu U Dhameystiro Heshiiska Paulo Dybala

Ed Woodward ayaa lagu sawiray isagoo sii galaya xafiiska Manchester United ay ku leedahay magaalada London isagoo doonaya inuu dhameystiro saxiixyada cusub ee kooxda.

Manchester United ayaa weli ku rajo weyn inay dhameystirto ugu yaraan labo saxiix ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga Premier League xirmin 8da bishaan Agoosto.

Man United ayaa weli wadahadal kula jirta Juventus oo ku aadan heshiiska ciyaaryahan isku bedelasho ee Paulo Dybala iyadoo Romelu Lukaku uu u wareegayo dhanka Bianconeri.

Dybala ayaan weli laga dhaadhicinin inuu xagaagan u dhaqaaqo Old Trafford laakiin labada kooxood ee United iyo Juventus ayay ka go’an tahay inay heshiiskaan meel mariyaan.

Agaasimaha kooxda Juventus Fabio Paratici ayaa isna ku sugan magaalada London, waxaana ay wada hadli doonaan madaxa maamulka Manchester United Ed Woodward.