Duqeyn xalay ka dhacday deegaaanka Ceel-Bacad ee G/Sh/Dhexe.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo xalay duqeymo ka fuliyay saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin duleedka degaanka Ceel-Bacad ee gobolka SHabeelada Dhexe.

Duqeynta ayaa la sheegay in lagu khaarijiyay saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo halkaasi ku dhuumaaleysanayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeynta ay si gaar ah lala beegsanayay godadka ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada xoogga ee ku sugan gobolka Shabeelada Dhexe.

Deegaanka Ceel-Bacad ayaa dhawaan waxaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Dhagnaas.