Duqayn cirka ah ayaa ka dhacday degmada Jilib oo ka mid ah fadhiisimaha ugu weynaa AS sida ay ii xaqiijyeen ila kala duwan oo dowladda ah.
Duqaynta oo dhacday xalay ayaana wali laga warhayn xogta qasaaraha Kala duwan dhashay iyo haddii uu jiray bartilmaameed lagu beegsaday duqaynta.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeynta lala beegsaday xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.
Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in ay war ka soo saarto dowladda Soomaaliya.
Lama oga diyaaradaha dagaalka ee duqeynta fuliyay halka laga leeyahay.
Degmada Jilib ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-shabaab, halkaasina ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.



