J/Dhexe-RisaalaFM- Weerar dhanka cirka ah ayaa xalay waxa uu ka dhacay Deegaan 45-KM ujira Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, sida Dad Deegaanka ay Risaala u sheegeen.
Weerarkan ayaa dhacay kadib markii Shabaabka ay fasaxeen Isgaarsiinti Gobolka Jubbada Dhexe oo in mudo ah Hawada ka maqneed.
Duqeyntan ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday saldhig Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ku lahaayeen Deegaan lagu magacaabo Wardhoobley oo 45-KM ujira Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa la sheegay in ay gaareen goobta ay ka dhacday Duqeynta, iaygoo halkaasi ka wada baaritaano.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Risaala u sheegay Duqeynta in lagu beegsaday saldhig Shabaabka ay ku tababaraan Ragga ay u adeegsadaan falka isqarxinta ah.
Shabaab weli kama aysan hadlin Duqeynta la sheegay in lagu beegsaday saldhig ay ku leeyihiin Deegaanka Wardhoobley oo 45-KM ujira Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.


