Duqa Muqdisho oo u hambaliyeeyay madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow ayuu ugu hambaliyeeyay Madaxweynaha cusub ee maanta loo doortay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Eng Yariisoow ayaa u rajeeyay Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) in Illaah uu u fududeeyo shaqada culus ee hortaalla.

“Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Abdiaziz Hassan Mohamed (Laftigareen), waxaana EEBBE uga baryayaa inuu xilkan culus la garabgalo. Shacabka K/Galbeed waa inay midnimadooda ka shaqeeyaan oo horumarka KG laga wada shaqeeyaa iyadoo shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ay garabkiina taagan yihiin marwalba” ayuu ku sheegay Barta xirirka bulshada ee Facebook gudoomiye Yariisoow.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta loo doortay Lafta Gareen ayaa waxaa jira dad badan oo malaynaya in si cadaalad ah aysan u qabsoomin maadama musharax Mukhtaar Rooboow uu Muqdisho ku xiranyahay.