Duqa Muqdisho oo digniin u diray maamulka & shacabka degmada Xamar Jajab

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay wadada Laamiga ee Via Moscow ee Isgoyska Ceel gaabta  oo isku xerta Buundooyinka Degmada Xamar Jajab iyo Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Dhagax-dhiga  aya Gudoomiyaha gobolka Banadaaur waxaa ku wehliya Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir

Sidoo kale   waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab iyo Guddoomiyaha Degmada Waaberi.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa kula dar-daarmay shacabka Degmada Xa,ar Jajab i in ay ka qeyb qaataan Bilicda, Nadaafada iyo ilaalinta goobaha danta guud oo ay ugu horeyso wadooyinka dib loo dhisaayo

Wadada Isgoyska Ceelhaabta ee degmada Xamar Jajab ee uu maanta Dhagax dhigay Gudoomiyaha gobolka Banadir ayaa waxaa ka muuqda Burbur xooggan waxaana  isticmaalka wadadaasi dhibaato ku qaba Dadka & Gaadiidka .