Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Ganacsatada ugu digay in ay Magaalada Muqdisho keenaan waxyaabaha maanka dooriya.
Gudoomiye , Madaale ayaa amray in ay ganacsatada joojiyaan waxyaabaha Daraagiska ee ay soo gelinayaan gudaha magaalada, taas oo waxyeella baaxad leh ay kasoo gaartay dhallinyarada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa hay’adaha amniga faray in ay la shaqeeyaan Ciidanka uu u xil saaran la dagaallanka anshax xumada iyo maandooriyaha.