Duqa degmada Gaalkacyo oo la doortay

Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho

Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland waxaa Galabta lagu qabtay doorashada Duqa degmada Gaalkacyo, iyada oo ay dooranayeen Golaha deegaanka gaalkacyo ee shalay lagu dhawaaqay.

Xilka duqa degmada Gaalkacyo ayaa waxaa ku tartamay laba musharax oo kala ahaa Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne iyo Saahid Maxamuud Cali, waxana codeynayay 31 Xubnood ee Golaha deegaanka.

Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne ayaa helay 7 Cod halka Saahid Sayn uu helay 23 cod, hal cod ayaana halaabay, waxaana sidaasi duqa degmada Gaalkacyo loogu doortay in uu noqdo Saahid Maxamuud Cali,waxana codeynta ay aheyd mid qarsoodi ah.

Sidoo kale waxaa goordhow bilaabatay codeynta doorasahda guddoomiye kuxigeenada degmada Gaalkacyo oo ay ku tartamayaan musharixiinta kala ah Cabdullaahi Maxamed Jakato, Shaafici Cabdullaahi Xaashi iyo Maxamed Cabdinaasir Cigaal.