Askari ka Ganacsanayay Maandooriyaha Khamriga oo xukun lagu ridday

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Bariga Soomaaliland ayaa Maanta waxaa ay xukun ku ridday dad uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada Soomaaliland oo lagu soo qabtay Maandooriyaha Khamriga.

Maandooriyaha ayaa ka kobnaa 480 Dhalo oo Khamri ah,waxaana howlgal ay Booliska Soomaaliland ka sameeyeen Bariga Gobolka Togdheer ay ka ganacsiiga Khamriga  u soo qabteen laba ruux oo uu ka mid yahay askari ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliland, kuwaas oo xukun lagu ridday.

Labada eedeysane ayaa waxaa lagu xukumay Midkiiba Saddex Sano iyo Lix Bilood oo xariga ah iyo Saddex Malyan oo lacagta Shillinka Soomaaliland ah,sida uu Goobta Xukunka Maxkamada ka sheegay  Col. Ibraahim oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Bariga Soomaaliland.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Togdheer Gaashaanle Sare Axmed Aw Cali Shabeell  ayaa uga mahad celiyey ciidamada Booliska ee mar walba dagaalka adag kula jira maandooriyaha soo galaya Gobolka togdheer.

Sidoo kale Ciidamada Booliska Soomaaliland ee ku sugan gobolka togdheer ayuu uga digay inay ka qeyb qaataan ka ganacsiga waxyaabaha Maanka dooriya.