DR Congo Oo Garaacday Xulka Morocco Xili Ay La Wareegeen Hogaaanka Group C

Junior Kabananga ayaa daba mariyay goolhaye Munir goolka guusha oo ay 10-nin DR Congo 1-0 kaga badiyeen xulka Morocco furitaanka ciyaaraha koobka qaramada Afrika.

DR Congo ayaa soo jiitay indhaha caalamka ciyaarihii koobka qaramada qaarada Africa 2015 waqyigaasoo semi-finalka ay ku garaaceen xulka Equatorial Guinea.

Xulka macalin Florent Ibenge ayaa waxey ku jiraan group adag waxaana ay doonayaan inay soo baxaan iyadoo Ivory Coast iyo Togo ay idhiman yihiin.

DR Congo ayaa hadda hogaaminaya Group C ka dib markii ay ku ciqaabeen xulka Morocco qalad uu sameeyay goolhayahooda Munir.

Munir ayaa ku guuldareystay inuu si fiican u xakameeyo cross ka yimid Firmin Ndombe Mubele, waxaana si fudud kaga faa’iideystay Kabananga oo dhaliyay goolka guusha DR Congo.