Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa maanta waxa ay howlgal ka wadaan Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Howlgalka ayaa yimid ka dib markii ay korortay Amni darada Magaalada Boosaaso oo ka mid aheyd Magaalooyinka ugu Ammaanka badan Soomaaliya.
Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Boosaaso.
Saraakiisha Ciidamada Amniga Boosaaso ayaa sheegaya in ujeedka Howlgaladan ay yihiin sidii ay u sugi lahaayeen Amaanka guud ee Magaaladaasi iyo sidii loo soo qab qaban lahaa raggii ka dambeeyay dilalkii dhowaan ka dhacay Magaalada Boosaaso.
Shalay gelinkii dambe ayaa Magaalada Boosaaso waxaa lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Puntland iyo Sidoo kale Askari Boolis ah oo la socday.
Sidoo kale Magaalada Boosaaso ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacaayay dilal qorshaysan oo loo geysanayay Mas’uuliyiinta maamulka Puntland.


