Dowladda Zimbabwe oo jartay Internetka

Wararka naga soo gaaraya dalka Zimbabwe ayaa waxa ay sheegayaan in Mas’uuliyiinta dalkaasi ay amar ku bixiyeen in la jaro adeegyada khadka internet-ka ee dalkaasi kaddib markii afar maalmood ka hor ay halkaasi ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladda oo ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaar ka mid ah Shirkaddaha bixiya adeegyada isgaarsiinta ayaa sheegay in amar lagu siiyay inay jaraan adeegyada Internet-ka tan iyo inta marka amar kale ay ka helayaan.

Dadka dhaleecaya dowladda waxay sheegayaan in tallaabadan looga golleeyahay in aanan lasoo bandhigin sawirrada ciidamada Zimababwe oo ka falcelinayay dibadbaxyaasha.

Dhakhaatiirta waxay sheegeen inay daaweeyeen 170 qof oo dhaawacyo qabo tan iyo Isniinti oo ay dibadbaxyada dalkaasi ka dhaceen.