Dowladda Uk oo kordhineysa tababarada ay siiso Ciidanka dowladda

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ahna Senator ka la doortay Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka ayaa waxaa ay kaga wada-hadleen iskaashiga labada Dowladood ee Soomaaliya iyo UK la xiriira arimaha dib-u-dhiska Ciidanka xoogga dalka.

Wasiir Sanoter Xasan Xuseen Xaaji ayaa uga mahad celiyay dowladda Ingiriiska tababarada igo dib u dhiska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana uu ka codsaday inay kordhiyaan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku dartay in Danjiraha Dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster sheegtay inay kordbin doonaan tababarka iyo qalabeynta Ciidanka xoogga dalka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab si ay ugu guuleystaan sugida Amniga dalka.

Dowladda Ingiriiska ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana tababaro ay siisaa Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, iyada oo xero tababar ka furtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.